Waa Maxay Bandhig Ganacsi?

Bandhig Ganacsi (Trade Show)
3
Dec

Waa Maxay Bandhig Ganacsi?

Bandhig Ganacsi (Trade Show) waa munaasabad aay isku imaanayaan shirkadaha ganacsiga (yar yar & waaweynba) si aay u soo bandhigaan badeeco cusub ama adeegyadii ganacsi ee ugu dambeeyay oo aay shirkad walbo u hayso macamiisheeda. Ujeedkana wax kale ma ahan ee waa dhisida iyo sameynta xiriir ganacsi oo aad la yeelato ka soo qeyb galayaasha munaasabada bandhigga ganacsiga iyo ganacsatada kale.

Si kooban, dadka ka soo qeyb galaya munaasabadaha ganacsiga waxa loo qeybiya labo: Soo Bandhigayaasha (Exhibitors) & Ka Qeyb-galayaasha (Attendees)

Soo Bandhigayaasha (Exhibitors): kooxdani waa shirkadaha ganacsiga ee soo bandhigaya badeecoyinka, alaabaha iyo adeegyada cusub oo aay doonayaan in aay ka iibsadan ka soo qeyb galayasha. Keliya kuma koobna ujeedka wax kala iibsasho balse waxay noqon karta wargelin ama ogeysiin ku saabsan adeega ganacsi ee shirkad walba u hayso macamiisheeda.

Ka Qeyb-galayaasha (Attendees): kooxdani waa dadka ka soo qeyb galaya bandhigga si aay u arkaan ama uga fa’ideystaan fursadaha, badeecooyinka iyo adeegyada cusub oo aay shirkaduhu soo bandhigayaan. Ujeedka kooxdani waxa uu noqon karaa koox dooneysa badeeco qiimo jaban, kuwa shaqo doon ah iyo koox kale oo aan labaduba ahayn balse doonaya in aay qandaraas ama heshiis la galaaan shirkadii aay ku qancaan adeegeda inta lagu guda jiro bandhiga. Kooxda dambe waxa laga yaba in aay matalaan urur ama xafiis dowlad oo bixiya adeeg bulsho.

2 Responses

Leave a Reply to John Doe Cancel Reply